Kulan wada tashi iyo dardargalinta dakhliga la qaatay Madaxda shirkadaha bixiya tamarta korontada Puntland.

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda oo kulan wada tashi iyo dardargalinta dakhliga la qaatay Madaxda shirkadaha bixiya tamarta korontada Puntland.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Wasaaradda Korontada, biyaha iyo Macdanta,
Wakaalada horumarinta korontada iyo
Shirkadaha bixiya adeega korontada Puntland,
Maareeyaha guud ee wakaalada Horumarinta korontada Puntland Mudane Maxamed Abshir Muuse oo Faah-faahin ka bixiyey ujeedada shirka ayaa sheegay inuu Ku saabsan yahay iskaashi dhexmara hay’adaha Dawlada iyo shirkada bixiya adeega korontada oo uu sheegay in midba kan kale u baahan yahay sidii uu gacan uga heli lahaa.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Korontada iyo Macdanta Mudane Saciid Salaad ayaa sheegay inay wasaaradu diyaarisay siyaasadii lagu maamuli lahaa korontada Puntland dhawaana ay Soo bandhigi doonaan, wasiirka ayaa tilmaamay inay Dawladu Ku mashquulsan tahay sidii loo hormarin lahaa adeega korontada Puntland, loona gaarsiin lahaa guud ahaan degaanada Puntland iyadoo laga faaidaysanaayo wax yaabaha dabiiciga ee korontada laga dhaliyo oo ay kamid yihiin qoraxda iyo dabaysha si uu Wadanku u helo koronto jaban Oo soo jiidata maalgashiga ganacsiga iyo warshadaha.
Wasiir Ku-xigeenka dakhliga Wasaarada Maaliyada Mudane Axmed Bulxan, ayaa isagu tilmaamay inay korontadu tahay hal-bowlaha nolosha ayna waajib tahay inay Dawladu masuuliyad dheeri ah iska saarto sidii loo taageeri lahaa, isagoo dhanka kalena sheegay inay shirkadaha ganacsigana ay waajib dastuuri ah Ku tahay inay bixiyaan Cashuuraha Ku waajibay, wuxuuna ugu baaqay inay si masuuliyadi ku dheehan tahay u bixiyaan Cashuuraha ku waajibay sida cashuurta adeega raacda(GST) iyo Cashuurta mushaarka shaqaalaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa dhankiisa uga mahadceliyey wakaalada horumarinta korontada oo Soo abaabushay shirkan, wuxuuna sheegay inay gaabis tahay bixinta cashuurta shirkadaha bixiya adeega korontada wixii hada ka danbeeyana xooga la saaro, sidoo kale wuxuu sheegay inay Dawladu diyaar u tahay garab istaaga shirkadahan oo adeeg muhiim ah u haya bulshada, ayna iminka wadada kusoo jiraan mashaariic muhiim ah Oo lagu taageeraayo adeega korontada Puntland.
Agaasime Ku-xigeenka dakhliga Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa ugu dambayn ka codsaday shirkadaha bixiya korontada inay masuuliyad dheeri ah iska saaraan cashuur bixinta, isagoo tilmaamay shirkadii aan bixin cashuurta in laga hor istaagi doono taageerada Dawlada, hay’adaha Caalamiga iyo Cashuur dhaafyada kala duwan.
Ugu dambayn Wasaarada Maaliyada ayaa shirkadaha korontada usoo bandhigtay nidaamka ay u maraayaan bixinta cashuurta iyo Cashuuraha ku waajibay shirkadahan.

Shirka wada Tashiga Dowladda iyo Shirkadaha Bixiya Adeega Korontada25th /September 2022 Wakaaladda .

Horumarinta Tamarta Puntland Waxay qabatay kulan wada tashi oo dhex maray Shirkadaha Bixiya Adeega Korontada oo looga wada Hadlayay.Shirkaas waxaa Furay Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda Tamarta , Biyaha iyo Macdanta Abdulqadir Sulaymaan iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland Mudane Maxamed Abshir Muuse . Qodobadi shirka Looga Wada Hadley waxaa kamid ahaa: 1. Qoondaynta Mashaariicda Horumarineed ee Tamarta .2. Xoojinta Wada Shaqaynta Dowladda iyo Shirkadaha Bixiya adeega Korontada 3. Caqabadaha taagan ee ubaahan in Xal laga gaaro oo ay ka mid yihiin Shidaal kii oo qaaliya , Sixirka Korontada oo qaaliya wakhtigaan . Xafiiska Warbaahinta Wakaaladda

.

Wakaaladda Horomarinta Tamarta Puntland waxay qabatay shirka wada tashiga tayaynta iyo bad qabka qalabka Cadceed ee korontada laga dhaliya

Wakaaladda Horomarinta Tamarta Puntland waxay qabatay shirka wada tashiga tayaynta iyo bad qabka qalabka Cadceed ee korontada laga dhaliya .Ujeedadada shirku wuxuu ahaa Waxaa lagu soo bandhigay Habraac lagu ilaalinayo tayada Qalabka Cad ceeda korontada Laga dhaliyo ( Solar equipment,s ).Waxaa ka soo qayb galay :1. Hay,addaha Caalamiga .2. Shirkadaha soo dejiya Qalabka Korontada.3. Shirkadaha Qaadta Qanadaraasyada xir xirida qalabka Solar ka.4. Gudoomiyaha hay,adda Qanadaraasyada Dowladda Puntland.5. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka 6. Wasaaradda Tamarta , Biyaha iyo Macdanta . Dhamaan ka soo qayb galayaasha shirkaas way mahadiyeen .Xafiiska Warbaahinta Wakaaladda Horomarinta Tamarta Puntland.

.

Maareeyaha Wakaaladda Horomarinta Tamarta ayaa dhagax dhigay mashaarci laga lagu iftinmayo magaaloyinka kala ahxarfo iyo cagaaran

27 /01/2022 Waxaa la dhagax dhigay Mashruuca ifinta Magaalooyinka kala ah Xarfo Iyo Cagaaran , Madaxdii dhagax dhiga samaysay waxaa ka mid ahaa :

  1. Maareeyaha Wakaaladda Horomarinta Tamarta Puntland . Maxamed Abshir Muuse .
  2. Wasiir K / Xigeenka Wasaaradda Tamarta Biyaha iyo Macdanta Puntland Axmed Siciid Qaloombi .
  3. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Abdiladiif Sanyare
    Mashruucaan waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Dowladda Norwey iyo Midowga European Union .
    Xafiiska Warbaahinta Wakaaladda Tamarta Puntland .

SHIRKA SANADLAHA Ah ee wada tashiga BAH-WADAAGTA BIYAHA IYO TAMARTA AYAA Ka FURMEY garowe.

Garowe: 22-12-2021 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Axmed siciid Qolombi ayaa daah furay shirka sannadlaha ah ee bah-wadaagta biyaha iyo tamarta Puntland.
Shirkan ayaa ah mid sannadkiiba mar laqabto ayada oo ay bah-wadaagta biyaha iyo tamartuba ku gor faynayaan wixii u qabsoomay sanadkan, caqabadihii ku yimi dhanka shaqada sanadkan iyo qorshihii lagu wajihi lahaa sanadka nagu soo wajahan ee 2022.
Sidookale waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cusmaan Aadan , Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka calamiga ah ee Puntland Cabdiraxman Caydiid Ibraahim, Wasiiru dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta saree e Puntland, Mareeyaha Guud ee Wakalaadda Horumarinta Tamarta Puntland Guuleed Abshir muuse , Mareeyaha Wakaaladda Horumarinta biYaha Puntland Maxamed Abdiqadir maxamed iyo qaar ka Tirsan Hay’addaha kala duwan ee bah-wadaagta la ah Biyaha iyo Tamarta.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf ayaa maanta shir guddoomiyey shir ay wada yeesheen Madaxda Wasaaradda Tamarta,Wakaaladda Horumarinta Tamarta DPL Wakaaladda Horumarinta Biyaha DPL iyo Hay’adda UNDP.

Garoowe: 22, Nov, 2021:- Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa maanta shir guddoomiyey shir ay wada yeesheen Madaxda Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha Dowladda Puntland, Wakaaladda Horumarinta Biyaha DPL, Wakaaladda Horumarinta Tamarta DPL iyo Hay’adda UNDP. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta Macdanta Iyo Biyaha Dawlada Puntland mudane, Axmed Siciid Qolombi, Maareeyaha Guud Ee Wakaaladda Horumarinta Tamarta DPL Mudane, Guuleed Abshir Muuse, Maareeyaha Guud Ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha DPL Mudane, Maxamed Cabdiqadir Maxamed.Shirkan oo ka dhacay Xafiiska Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ee Garoowe ayaa looga hadlay sidii Hay’adda UNDP u xoojin lahayd taageeradeeda ku aadan horumarinta Biyaha & Tamarta Dowladda Puntland

.

Shir wada tashi ee bahwadaagta korontada iyo biyaha puntland,oo ka socday 2 cisho hotel Martisoor.

Shir wada tashi ee bahwadaagta korontada iyo biyaha puntland,oo ka socday 2 cisho hotel Martisoor Date: 14-15, 2021

Shirka waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaaradda tamarta ,Biyaha  iyo Macdanta wasiir kuxegeenka wasaaradda , maareeyaha korontadda, maareeyaha biyaha , ku simaha agaasimaha guud.

Maareeyaha wakaaladda horumarinta tamarta puntland Guuleed Abshir Musse oo ka hadlay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirka iyo ujeedadda wakaaladda loo aas aasay, iyo sida ugu wanaagsan ee bahwadaagta iskaga kaa Shan lahayd horumarinta korontada, anagoo og in dunida casriga ah ay ka gudbayso isticmaalka shidaalka si loo yareeyo qiiqa wasakhaysan ee hawada lagu siidaayo , sidoo kale maareeyaha ayaa ka hadlay sidii loo yarayn lahaa isticmaalka shidaalka taas badalkeedana loo dhiiri galin lahaa ka dhalinta Korontadda ee qoraxda iyo dabaysha .

Shirka wuxu kusoo dhamaaday is afgarad iyo in la xoojiyo wada shaqaynta bahwadaagta korontadda. dhiiri galinta maalgashiga korontadda puntland iyo sidii dadka reer puntland loo gaarsiin lahaa koronto tayo leh oo shacabkuna awoodaan.

AGAASIMAHA GUUD WASAARADDA TAMARTA DAWLADDA FEDERAALKA SOOMALIYA OO BOOQASHO KU TAGEY XARUMAHA BIXIYA ADEEGA KORONTADA EE MAGAALADA QARDHO.

Wefdi uu hogaaminayo agaasimaha guud Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee dawlada federaalka Soomaaliya oo ay qeyb Ka ahaayeen mas’uuliyiin Ka socdey maamuladda jubaland iyo koonfur galbeed ayaa waxay booqasho Ku mareyn xarumaha bixiya adeega korontada ee magaalada Qardho.

Wefdigaas waxaa war Bixin guud ka siiyey Sida ay u shaqeeyaan Xarumahaas maareeyaha wakaaladda Hormarinta Tamarta puntland.

Wasiirka Wasaarada Tamarta macdanta iyo biyaha DP ayaa xusey ahmiyada ay leedahay wada shaqeynta dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada puntland Marka ay timaado kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah ee biyaha iyo korontada.

Waxaa sidoo kale la Isla gartey ahmiyada ay leedahay isdhaafsiga aqoonta iyo khibrada kusaabsan sida ay ushaqeyso Tamarta cusboonaata (SOLAR ENERGY ) iyo Tamarta Guud Ahaan.

MADAXA HAY’ADDA CARE INTERNATIONAL OO BOOQASHO KU YIMI WAKAALADDA HORMARINTA TAMARTA PUNTLAND.

Mareeye Kuxigeenka Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland ( WHTP) Eng ismaciil Maxamed ayaa wuxuu shir gudoomiyey kulan dhex marey Wakaaladda Horumarinta Tamarta iyo madaxa Hay’adda CARE international Puntland mudane Cali axmed Godane oo Booqasho hawleed Ku yimid xarunta Wakaaladda, waxaa sidoo kale Kulanka qeyb Ka ahaa K/S Agasimaha guud ee wasaarada Tamarta, macdanta iyo biyaha DP Mr Cumar Maxamed jamac.

Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saarey xoojinta wada- shaqeynta Hay’adda CARE international iyo wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland ( WHTP ).
Mudane Cali axmed Godane ayaa waxa uu xusey shaqooyinka iyo mashaariicda Hay’adda CARE international ay Ka wado guud Ahaan deegaanadda puntaland iyo Caqabadaha Ku gadaaman.

AGAASIMAHA GUUD WASARAADDA TAMARTA SOMALIYA OO BOOQASHO KU YIMI WAKAALADDA HORMARINTA TAMARTA PUNTLAND.

Wefdi balaaran oo uu hogaaminayo agaasimaha guud wasaaraadda tamarta iyo biyaha dowlada federal somaliya ayaa maanta booqasho iyo aqoon is weydaarsi ku yimi wakaaladda horumarinta tamarta puntland .

Sida oo kale, waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka socoday wasaradda macdnta iyo biyaha puntland iyo hayaada IOM. waxaana xarunta guud wakaaladda ku soo dhawayey maareeyaha guud wakaaladda horumarinta tamarta puntland Maxamed Abashir Muuse isagoo uga war bixiyey qaabka wakaaladdu u shaqyso iyo horumarka ka gaartay dhinac tamarta degaanaadda puntland.